Buuga Fagaara Ka hadalka

$1

Qoraa: Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac

HORDHAC
Isku day kasta oo guulaystay waxa u jilba duubtay dad iyo bini aadam dunidan ku
dhaqan oo ilaahay abuuray, kuwaas oo intooda badan ujeedkoodu yahay sidii ay
dunidan ugu soo gudbin lahaayeen ashyaa ay dadku wax ka faa’iidaan isla
markaan ka qayb dhigaan hab nololeedkooda oo dhan bilow ilaa dhamaad.

Category:

Buugani waa buug ka hadlaya “FAGAARA KA HADALKA”, oo ah sida dad looga hor
hadlo ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Public Speaking).
Markii aan arkay baahida baaxada eh ee ardayda wadanku ama dhalinyaraduba u
qabaan cilmigaa ayaan jeclaystay inaan buugan ka qoro, waliba anigoo u
fudaydiyey oo uu qof kastaa ku heli karo si fudud oo ah (Online), ama shay uu ku
heli karo internet ahaan oo ku shuban karo moobaylkiisa ama kumbuyuutarkiisa
gaarka ah.
Sida la og yahay cilmigan waa khibrad u baahan in la dhaqan galiyo oo ay cid
kastaaba barato maadama in dad laga hor hadlaa ay nolosha aadamaha u tahay
udub dhaxaad isla markaana aan sina looga marmi karin.